Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo sheegay in ay howlgal ku qabteen Saraakiil katirsan Al-Shabab.

Howlgalkaan oo ka dhacay Deegaanka Awdhiigle ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa sameeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoona ku bartilmaameedsaday saraakiil katirsan Al-Shabaab.

Cabdifitaax Xaaji Cabdulle gudoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in howlgalkaan ay iska kaashaneen maamulka Gobolka, kan  Degmada Awdhiigle iyo Saraakiisha Ciidamada Dowladda.

Waxa uu tibaaxay in lagu soo qabtay howlgalka Labo sarkaal oo kala ahaa:- Cabdikariin Abu Xamsa Madaxii Maaliyadda Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolada Banaadir iyo Shabeelooyinka iyo Sarkaal kale oo magaciisa lagu soo koobay Sheekh Muudey kana tirsanaa Amniyaadka Al-Shabaab.

Cabdifitaax ayaa sidoo kale sheegay in ay howlgalka kusoo qab-qabteen saraakiil kale oo katirsan Al-Shabaab, ayna gacanta ku hayaan.

Mustaqbal ayaa weydiisay howlgalka hadii uu jiro Khasaara ka dhashay inta uu socday, waxa uuna sheegay in Saraakiisha qaar ay sameeyeen iska caabin, kahor inta aysan gacanta ku dhigin, balse sheegay in aanan jirin Khasaara ka dhashay.

Gudoomiye ku xigeenka dhanka Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in howlgalka wali uu soconayo, bartilmaameedkooduna yahay saraakiil kale oo uu sheegay in ay heleen Xogtooda sida uu hadalka u dhigay.

Al-Shabaab kama aysan hadlin sheegashada Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee ah in ay howlgal ay ka sameeyeen Awdhiigle ay kusoo qab-qabteen Saraakiil katirsan.