Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada dhallinyarada beesha Silcis oo baaq soo saaray

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ururka dhallinyarada beesha Silcis Gorgaate Hawiye C/qaadir Sheekh Ibraahim ayaa goor dhow soo saaray bayaan kaasi oo ku saabsan sidii ay beeshu u yeelan lahayd urur dhallinyaro oo ay ku mideysan tahay.

Ugu horeyn bayaan uu soo daaray Guddoomiye C/qaadir Sheekh ayaa waxa uu ku sheegay inay meel gabagabo ah mareyso ololaha loogu jiro sidii ay beesha Silcis Gorgaate u yeelan lahayd urur dhallinyaro oo u dooda arrimaha xuquuqdooda kala duwan oo aanay jirin maanta cid isku xilqaantay.

Waxa uu qoraalkiisa ku sheegay in gabadha lagu magacaabo Raxmo Maxamuud Maxamed oo ahayd Guddoomiyaha KMG laga qaaday jagadaasi bacdamaa ay iyadu dooratay inay ka mid noqoto musharaxiinta Guddoomiyaha cusub ee ururka dhallinyarada beesha Silcis.

Dhinaca kale Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ururka dhallinyarada beesha Silcis Gorgaate ayaa ugu baaqay dhammaanba dhallinyarada beesha ee ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa ee iyagu doonaya in loo doorto guddoomiyaha ururkaasi inay is diiwaan gelin karaan.

C/qaadir Sheekh Ibraahim ayaa ugu baaqay dhallinyarada beesha Silcis inay ka qeyb qaataan sidii ay u yeelan lahaayeen hoggaan u dooda arrimahooda si ay u helaan xuquuqaha asaasiga ah ee ee haatan ka maqan, isagoona tilmaamay inay la soo xiriiri karaan Taleefanka Lambarkiisu yahay: 0615213583 oo laga helo Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada ururka dhallinyarada beesha Silcis Gorgaate C/qaadir Sheekh Ibraahim.

Shuruudaha lagu qaadanayo musharaxiinta Guddoomiyaha ururka dhallinyarada beesha Silcis waa inuu leeyahay aqoon heer jaamacadeed, dugsi sare ama waaya aragnimo u dhiganta, waxayna is diiwaan gelinta ku eg tahay taariikhdu markay tahay 27/03/2018.

Dhinaca kale dadaalada loogu jiro asaaska ururka dhallinyarada beesha Silcis waxaa taageeray qurba joogta beesha Silcis oo tallaabadaasi ku tilmaamay inay tahay dhabbo ay dhallinyarada ku heli karaan wax kasta oo horumarkooda ah.

Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee South Africa Abuukar Bunka oo u dhashay beesha Silcis ayaa ka mid ah guddiga qabanqaabada doorashada ururka dhallinyarada beeshaSilcis, wuxuuna xusay in ururkani uu yahay mid ay ku midoobayaan dhammaanba dhallinyarada beesha qaabka loo bilaabay ay tahay mid sax ah oo aan weli ka dhicin beesha dhexdeeda.