Dagaal Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Duleedka Degmada Baardheere.

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Dagaal qaraar uu ka dhacay Duleedka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, waxayna Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milateriga Soomaaliya ay sheegay inay Guulo ka gaareen dagaalkaasi.

Madaxda Ciidamada Milateriga Soomaaliya ee Gobalka Gedo ayaa sheegay in dagaal Saakay uu ka dhaacy duleedka degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ay ku dileen Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab ah oo gaaraya ilaa 5, sidoo kale tiro intaasi la`eg oo ka tirsan Al-Shabaab ah ayaa iyana dhaawac ka soo gaaray, waxaa kaloo saraakiisha ay tilmaameen ay kala wareegeen gacan ku haynta deegaano dhowr ah oo hoos yimaada degmada Baardheere.

Dhanka kale Ciidamada Dowladda ayaa dagaalkaasi waxaa uga dhintay sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada hal Askari, isla markaana khasaaraha ugu badan ay gaarsiiyeen Maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaa sidoo kale ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Saldhig Al-Shabaab ay k samayn jireen Qaraxyada, iyagoo saldhigaasi laga helay Hub fara badan oo Shabaabku lahaa.