Ciidamo ka wada tirsan Dowladda Federaalka oo dagaalamay

Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku dagaallamaya Xaafadaha Tarabuunka iyo Warshadda Caanaha ee Magaalada Muqdisho.

Rasaas xoog leh ayey Ciidamada isku weydaarsanayaan Ciidamada dagaallamaya iyada oo dadka degaanka ay sheegayaan in ay xabadka dhulka ku hayaan.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Warbaahinta  in Ciidamada dagaallamaya ay kala yihiin Ciidamada ay tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta iyo Ciidamada kale ee Milatariga Soomaaliya.
Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Ciidamada ka wadatirsan Dowladda,wixii ku soo kordha waxaad ka aqrisan doon taan wararkeenna dambe.