Aqalka Sare oo war ka soo saaray khilaafka BFS

Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare, gaar ahaan guddigii loo xilsaaray xalinta khilaafka hareeyay Golaha Shacabka ayaa maanta War ka soo saaray khilaafkaasi.

Ugu horreyn xubnaha guddiga ayaa sheegay in ay la kulmeen guddoomiye Jawaari, ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxweyne Farmaajo, islamarkaana ay kala hadleen arrimaha Golaha Shacabka iyo khilaafka taagan.

Guddiga ayaana soo saaray qodobadan:-

  1. Gudiga waxaa uu ka codsanayaa labada dhican ee qilafka soo kala dhaxgalay ee Golaha Shacabka in ay joojiyaan dhamaan ololayaasha siyaasadeed iyo fariimaha ay warbaahinta ay isku waydaarsanayaan inta xal laga gaarayo arrimaha kale ee qilaafka.
  2. Gudiga waxaa ay soo dhaweynayaa Aqbalaada Gudoomiye Jawaari uu Aqbalay 03/18/2018 sharciyada Mooshinka Khilaafka dhaliyay
  3. Gudiga waxaa uu ugu Baaqayaa Gudoonka Golaha Shacabka in la qabto Shirka Gudiga joogtada ah sida ugu dhaqsiyaha badan si loo Agaasimo Habraaca Mooshinka ka yaalo Gudoomiyaha Golaha Shacabka
  4. Gudiga Aqalka sare ee ka qeyb qaadanayo Xalinta Khilaafka Golaha Shacabka waxaa uu bala qaadayaa in uu diyaar u yahay in uu kor jooge ahaan uga qeyb qaato shirka gudiga guurtada
  5. Gudiga waxaa uu soo jeedinayaa in Mooshinka Maamulkiisa loo maro si Waafaqsan Qodobka 65aad Farqadiisa 4aad Dastuurka Soomaaliya iyo qodobka 9aad Farqadiisa 4aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliyeed.