Ururka IGAD oo ka shiraya Xaalada Qaxootiga Soomaaliya ee Geeska Afrika.

Wasiiradda Arrimaha Dibadda Ururka Goboleedka IGAD ayaa ku kulmi doona Magaaladda Nairob, iyagoo ka wada hadlaya xaaldda ay ku nool yihiin 1-Million oo Qoxooti Soomaaliyeed ah kuwaas oo ku Nool qaar ka mid ah Wamadda Geeska Africa.

Wasiiradda ayaa ka hadli doona sidoo kale qaabkii loo fuliyay Qorshe Howleed Xal loogu raadinayay Qoxootiga Soomaalida ah ay sameeyeen Sanadkii tagay urur Goboleedka IGAD, kiaasi oo ahaa,in ururku uu kaalin ka geysto Dib u soo celinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku Nool xeryaha Qaxootiga ee dalka Dibadiisa.

Dhanka kale IGAD ayaa Qaxootiga Soomaaliyeed ka caawinaya inay Dalka ku soo laabtaan, iyadoo Sanadkii tagay Shir ka dhacay Magaaladda Nairobi ay isku raaceen Wasiiradda Arrimaha Dibadda ee IGAD in Qoxootiga Soomaaliyeed loo Abuuro Jawi u suurta galinaya inay si iskood ah u soo laabtaan.