Meydadka xubno ka tirsanaa Al Shabaab oo lagu soo bandhigay Gedo

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa maanta degmada Buurdhuubo ku soo bandhigay Meydadka illaa 2 xubnood oo ka tirsanaa Al Shabaab, kuwaas lagu dilay dagaal ka dhacay magaaladaasi.

Korneyl Guhaad Maxamuud Cumar Tima Jilac oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowadda ee G/ Gedo ayaa sheegay in Meydadka la soo bandhigay ay ahaayeen Rag ka tirsanaa Al Shabaab oo Xalay weerar ku soo qaaday degmadaasi.

Waxaan uu tilmaamay in Meydadka laba kale ay horay u qaateen Xarakada Al Shbabaab, sida uu hadalka u dhigay.