IGAD oo ka shireysa Xaaladda Qaxootiga Soomaalida Kenya

Wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in kulan looga hadlayo xaaladaha qaxootiga Soomaalida ku nool Kenya in ay ku yeeshaan magaalada Nairobi ee Caasimadda dalkaasi.

Kulankan ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa qorshe Sanadkii hore looga dhawaaqay magaalada Nairobi, kaas oo wax loogu qabanayo qaxootiga faraha badan ee ku nool dalka kenya iyo dadka ka soo laabtay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

IGAD ayaa sheegtay in qorshaha ugu weyn ee kulankoodu uu la xiriiro sidii qaxootiga Soomalaida ah ay ku heli lahaayeen gargaar Bani’aadinimo oo dheeraad ah iyo in loo sameeyo maal gelin, si ay noloshooda ugu maareeyaan.

Wasiirada arrimha dibadda ee Ururka Goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa in kulankooda uu ka dhaco magaalada Nairobi khamiista soo socota, sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Ururka.

Dalka Kenya, gaar ahaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa waxaa weli ku nool boqolaal kun oo qaxooti Soomaali ah,iyadoo dhowrki Sano ee la soo dhaafay dib loo soo celiyey kumanaan ka mid ah qaxootigaasi.

Barnaamijka dib u celinta qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab oo hore Kenya ay u dalbatay in dib dalkooda loogu celiyo ayaa waxaa iska kaashaday dowladda Soomaaliya, Lenya iyo laanta qaxootiga Qaramada Midoobay ee UNHCR.