Falanqeyn Maanta: Hadii mooshin jiro horumarku istaagi maayo.

Colaada ka jirtay waqtiga dheer caasimada soomaaliya waxay keentay daganaasho la’an siyaasadeed amni darro sababtay Baahi, Qax iyo daryeel-xumo, maadaama ay meesha ka maqnaayeen hay’adihii qaran ee dadka u adeegi lahaa, iyo habkii dawladnimo.

Markaan arko kooxo siyaasada wadanka ku tartamaya oo mooshin isku soo abaabulay waxay adeeg sadaan in danta shaqsi siyaasi ah lagu qariyo Horumarka wadanku ku talaabsadey. ee muuqda.

calaamadaha horumarka ah ee ka muuqda caasimada soomaaliya ee muqdisho waxaa waa jib nagu ah. in aan adkayno inta aan haysanno, kana ilaalino xoogagga dhalinaya in horumarkaa la bur buriyo. iyo hadalada keenaya daganaasho la’aan.

Biseylka siyaasadeed ee ka muuqda madaxda Soomaalida ayaa muujinaya in dadka Soomaaliyeed ay xilligaan ka gudbayaan caqabadaha turaanturada ku ah geedi socodka arimaha dadka iyo dalka. is markasta lagu kala baxo sharciga waa guul siyaasadeed.

Hadii xilka shaqsi siyaasiya uu waayo sida Madaxda dawlada Faderaalka ugu saraysa jawaari , khayre’ Farmaajo maaha inaan bur burino horumarka dalkeena iyo dadkiisa. Maalinkasta gaarayaan

Waa inaan ka midownaa ilaalinta xoriyada shacabka hantidooda iyo horumarkooda.

Waxaa bahda warbaahinta waa jibku ah inay shacabka tusaan meesha laga yimid iyo meesha loo socdo. Markastana ilaaliyaan daganaashaha wadanka.

Shacabka ku nool caasimada soomaaliya ee muqdisho waxay ku hawlan yihiin dib usoo celinta bilicdii iyo astaamihii magaalada, muqdisho in laga helo dhamaan adeega bulshada casriga ah u baahan tahay.

Mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa horumar balaadhan oo dhanka koboca dhaqaalaha iyo dhismaha ahba laga dareemayey Magaalo Madaxda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sidoo kale dhinaca amaanka ayaa isna aad uga soo raynaya. Horumarka Muqdisho ku talaabsatay waa in la dhiira galiyaa waa astaanta soomaaliya magaalada moqdisho.

Wadankasta caasimadiisa ayaa laga daawadaa dadka wadanka ku nool.iyo horumarka ay gaareen.

Waxaan Falanqeyn tayda farta ku fiiqayaa in dadka soomaaliyeed horumarkooda la taageero oo aan mooshin siyaasi laga keenay aan looga dhigin in wadanka dagaal ka bilaamayo

Danjire maxamed caalim