Taliye ku Xigeenka Ciidanka Daraawiishta Puntland oo is casilay

Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta Puntland,S/Guuto. Deyr Xaaji Cabdi ayaa wargad is-casilaad ah u gudbiyay madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas),sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan taliska Daraawiishta.

Warqadda iscasiladda oo ku taariikhaysan 15 bishan Maarso ayaa la ogaysiiyay madaxweyne ku xigeenka iyo taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland,waxaana taliyuhu sheegay in duruufo jira awgood uusan shaqada sii wadi karin.