Deg Deg Dooni Ganacsi oo dab ku qabsaday Nawaaxiga Dekada Boosaaso

Dooni ganacsi oo taagan meel Dekedda Bosaso dhanka Bari kaga beegan Badwaynta ayaa dab qabsaday, waxana la aaminsan yahay in dabku uu ka dhashay gudaha doonta.

Mid ka mid ah saraakiisha Dekedda Boosaaso oo warbaahinta la hadlayay ayaa sheegay in Doontu ay waday shidaal iyo Gadiid waxana ay ka timid dalka Imaaraadka Carabta.

Magaca doonta ayaa la iigu sheegay Nuur Saabir, waxayna u rarnayd Ganacsato reer Puntland ah.

waxa socda dadaalo lagu bad baadinayo doonta dabku qabsaday.