Wiil iyo Adeerkii oo Norwegian ah haddii is dagaalaan arrintooda ma Senetor: Cabdi Xaashi ayaa galaya mise Mrs. Erna Solberg RW Norway?. Shan Su’aal.?

1- Haddii wiil iyo Adeerkii oo Norwegian ah is dagaalaan arrintooda ma Senetor: Cabdi Xaashi ayaa galaya mise Mrs. Erna Solberg Ra’iisul wasaaradda Norway?.

2- Haddii Adeer yare uu rabo in uu dumaalo xaaska Adeer weyne, oo 24 saac dhaxdood uu 3 khabar noo keeno, Adeer waa dhintay,Maya waa noolyahay, maya waa dhintay, ma dumaali karyaa xaaska Adeer weyne?.

3- Haddii Nabad doonka guud ee reeruhu uuna wax badan ka aqoon dhaqanka somalida ee la taliyayaashiisu si qalad ah ugu fasiraan maahmaahda ” Af daboolan Dahab” . isagiina iska Aamuso, dambiga ma isagaa leh mise la taliyayaashiisa?.

4- Haddii la soo dhajiyo tabeelaha ” fadllan Lacag ku shubo is available now”. Baabuurka bololkaa ee xildhibaanka shidaal deeqa Qatar iyo UAE malaga helaa ?. Haddiise xalka laga raadiyo in lacag la isku salaamo, xal waaro ma helnay?.

5-Beeshii banaanka ee balaayadeen ku farxi jirtay, malaga badbaadaa?.

Shantaa su’aal dhinaca kale u roge, jawaab ma u heli karaa.

Qore: Yahya Amir.