RW Khayre oo Kormeer Kadis ah ku tagay Saldhigga ciidamada Booliska degmada Hodon ee G/Banaadir.

Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kormeer ku tagay ku tagay Saldhigga ciidamada Booliska degmada Hodon ee gobolka Banaadir.

Ra’iisul Wasaraha ayaa halkaasi u tagay inuu wax ka ogaado qaabka ay u shaqeeyaan Saraakiisha ciidaamda Booliska Soomaaliyeed ee degmadaasi oo xilligaa ku howlanaa suggidda Amniga degmadaas.

Dhanka kale kormeerka Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ku soo aadaya, kadib markii dhawr iyo labaatan sanno ka hor ka ahaa Askari Booliis ah oo ka tirsan, isagoo xiligaasi ka ahaa Oobi qore, wuxuuna bogaadiyay Shaqadda ay hayaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee saldhigaasi.