Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka HirShabelle ayaa dhawaan guddoomiyaha arrimaha bulshada deegaanka Gamboole ee gobolka Sh/ Dhexe u magacawday Feysal C/laahi Maxamed oo 17 jir ah.
Feysal Yare oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uusan raali ka aheyn xilkaasi , sidoo kalena aan lagala tashan.
Waxaana uu shaaca ka qaaday in weli uu dhigto Fasalka afaraad ee Dugsiga Sare, sidaas daraadeedna uu isaga Casilay xilka loo magacaabay.