Falanqeyn Maanta: Aqbalaada jawaari waxay muujinaysaa in Dimuqradiyada shaqaynayso

Guddoomiye Jawaari oo goordhow shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa aqbalay mooshinka laga keenay, isagoo sheegay inuu diyaar u yahay in cod lagu kala baxo.

Warqad sir ah ayaa lagu qasbay inaan saxiixo iyo Raysal wasaaraa i soo weeray. aduu aqbalayo wuxuu hore ugu aqbaluwaayey dhaqanka noocaan ah waxaa wanaagsen in madaxda soomaalidu wax ka barato.

Waxaa sharaftu ku jirtaa inuu is casilo haduu ogo laaday in cod lagu kala baxo waa aran cad in laga guulaysanayo

Madax adeega ah siyaasadeed ma wanaagsana 72 jir odey ah hadii arinka ku dhacay waa fariin siyaasadeed oo cad in Taariikhdiisa mugdi laga linayo

Cod ayaan ku imid cod ayaa lagayga qaadayaa waxaa ka wanaagsen haday in uu qiimeeyo 120 xildhibaan haday shaqadaada diidan yihiin waa inaan ogaataa wax ayaa kaa qaldan 120 tankan xildhibaan kocdoonkaa waysii wadayaan ilaa inta uu xafiiska ka tagayo waa arin curyaamin karta shaqada baarlamaanka.

Guddoomiye jawaari hadalka uu ku cel celinayo ee ah ciidamo ayaa haysta
xarunta Golaha shacabka.

ujeedada uu kaleeyahay waa in iska hor imaad dhex maro xubnaha golaha shacabka arinkan waa nin weyn oo siyaasada waqti dheer ku jiray waa nasiib xumo inuu yiraah doorasho halagu kalabaxo iyo ciidan ayaa jooga xarunta golaha shacabka waa laba arimood oo isdiidan

Fariinta ka soo yeertay Guddoomiye Jawaari ayaa meesha ka saaraya waan waan socotay oo la doonayay in lagu xaliyo xiisada siyaasadeed, waxaana muuqata in hadda iyo wixii ka dambeeya lagu kala bixi doono cod.

Xildhibaannada kasoo horjeeda Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa iyagu shalay ku eedeeyey inuu ku xadgudbay dastuurka iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka, waxaana ay ugu baaqeen inuu iscasilo.

Xildhibaanada Mooshinka ka keenay Guddoomiye Jawaari waxay gaareen guul siyaasadeed oo ah in gudoomiye jawaari sharciga uu u hogaansanaado. Waxaana wanaagsen in uu shacabka ka raaligaliyo warqada beenta ah ee uu leeyahay waa laygu qasbay inaan saxiixo Guddoomiye Barlamaanka maxaa u keenay warqad xukumafu leedahay ?

Waxaa wax lagu farxa ah in Dimuqradiyada
wali shaqeynayso

Danjire maxamed caalim

https://www.facebook.com/caalim68/posts/10215745020607581