Ciidamo Itoobiyaan ah oo Qarax lagula eegtay degaan Gobolka Gedo ah.

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Khasaare kala duwan ay ka dhalatay qarax ciidamada Itoobiya lagula eegtay degaano ka tirsan Gobolkaasi.

Qaraxaan ayay Dadka degaanka Yurkud sheegayaan in Ciidamada Itoobiya uu ka soo gaaray khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii gaari noociisa uu yahay Uuraal uu qabsaday qaraxaasi.

Wararku waxay sheegayaan in halka Qaraxa uu ka dhacay ay tahay inta u dhaxeysa Wadada Degmada Luuq iyo degaanka Yurkud xiriirisa, waxaana la soo sheegayaa in ciidamo gaaraya illaa 5-askari inay ku dhinteen qaraxaasi Miinada oo bur bur xooggan gaarsiiyay gaarigii ay saarnayeen Itoobiyaanka.

Dhanka kale qaraxaasi waxaa ka dhashay dhaawacyo soo gaaray ciidamada Itoobiya, iyadoo Al-Shabaab sheegatay inay iyagu ka dambeeyeen qaraxaasi, islamarkaana ay ku dileen askar badan oo Itoobiyan ah oo la socday gaariga Uuraalka ah ee qaraxa uu qabsaday, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Itoobiyaanka iyo Maamulka Gobolka Gedo.