Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari oo ka wada hadlay Mooshinkii laga soo Gudbiyay

Madaxweyne Farmaajo iyo Gudoomiye Jawaari oo ka wada hadlay Mooshinkii laga soo Gudbiyay

Kulankaan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta wasaarada Gaashaandhiga ee Muqdisho halkaasi uu madaxweynuhu uu si KMG ah u daganyahay.

Sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegayaan in kulankaasi oo ahaa mid xasaasi ah uu qaatay saacado aad u badan.

Gudoomiye Jawaari  u sharaxay Madaxweynaha khilaafka siyaasadeed ee jiray  isaga oo ka codsaday Madaxweyne Farmaajo in uu soo faragaliyo khilaafkaan siyaasadeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in laga shaqeeyo xasiloonida siyaasadeed ee dalka khilaaf kasta oo jirana uu ugu baaqay in la xaliyo.

Waxaa cirka isku sii shareeraya qilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo Gudoomiye Jawaari iyo Ra’isilwasaare Kheyre waxaana arintaan ay soo ifbaxday Markii Mooshin sida la sheegay laga soo abaabulay xafiiska Ra’isilwasaaraha laga soo Gudbiyay Gudoomiye Jawaari.