Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii KMG ah ee Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo ka hadlay arinta Jawaari

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaankii KMG ah ee Soomaaliya Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa waxaa uu guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari kala doorran siiyay labo middood oo ah in uu Jawaari is casilo ama iska sugo inta ay Xildhibaannada kalsoonida kala noqonayaan.

Xildhibaannada Mooshinka ka keenay Jawaari ayaa maanta shir ku qabsaday Maqaayadda Gobsoor ee ku dhextaalla Xarunta Villa Soomaaliya waxaana ay halkaas ka sheegeen in mooshinkaas uu saxyahay islamarkaana aan laga laabanayn.

Xildhibaannada goobta ka hadlay waxaa ka mid ah Khadiijo Maxamed Diiriye oo ah Wasiirka dhallinyarada iyo Ciyaaraha sidoo kalena Xildhibaan ah,waxaa ay difaacday ku luglahaanshaheeda iyada oo Wasiir ah.

Waxaa ay Khadiijo ku doodeysaa in aysan wax saameyn ah ku yeelaneyn Wasiirnimadeed iyada oo gudaneysa waajibkeeda Xildhibaannimo ee saaran.

Dhinaca kale Muqdisho waxaa ka socda kulamo lagu doonayo in lagu baajiyo mooshinka ka dhanka ah Jawaari,iyada oo ay ku kulmayaan Magaalada Muqdisho.