Kadib kulan uu ku soo bandhigayay qaqli Sanadeedka 2016-2017 guddoomiyaha Shirkadda DP World Sultan Bin Suleymaan ayuu ku sheegay in Shirkadda laga leeyahay dalka Isu Taga Imaaradaaka Carabta DP Wolrd-na aysan marnaba joojin doonin mashaariicda ay ka wado deegaanada maamulka Soomaaliland,
Goddoomiya ayaa sheegay in Shirkadda DP Word ay ka go’an tahay in ay xoojiso mashaariicdaas, islamarkaana in Soomaaliland ay ka mid tahay meelaha ugu horreeya oo ay ku bixin doonan maalgalinta ugu Badan ee Sanadka 2018-ka.
Dhinaca kale mar uu soo hadal qaday go’ankii dowladad Jabuuti uga baxday qandaraaskii ay kula jirtay Shirkadda DP World ayuu ku timaamay in go’aankaasi uu ahaa mid caqabad weyn ku keeni doonta soo jiidashada Shirkadaha doonaya in ay maalgashatan Africa.
Waxaana uu tilmaamay in aysan ogayn in illaa iyo hadda sababaha Jabuuti ku kaliftay in ay soo afjarto heeshiskii ay kula jirtay Shirkaddooda.
Hadalka guddoomiyaha Shirka DP Wold ayaa u muuqda mid aan dhag jalaq u siinaynin go’aankii ay Baarlamaanka Soomaaliya ay dalka uga mamnuuceen shirkadaasi.
Shirkaddani ayaa lagu eedeeyay in ay ku soo xad gudubtay madaxbanaanida Soomaaliya iyo QawaAniinta Maalgashiga Caalamiga ah, iyadoona la sheegay in in hashiisyo aan sharci ahay ay la gashay maamulka Soomaaliland iyo maamulo kale oohoostaga dowladda federalka ah ee Soomaaliya.