Ciidamada NISA oo joojiyay kulan siyaasadeed uu caawa qaban lahaa C/raxmaan C/shakuur

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ay joojisay kulan siyaasadeed uu caawa ku qaban lahaa magaalada Muqdisho Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir.

Boor ku qornaa halku dhigga muxaadarada siyaasadeedka uu qaban lahaa C/raxmaan C/shakuur oo lagu casuumay dadweyne iyo siyaasiyiin ayaa goor dambe laga fujiyay Hoolka Hotelka Saxafi, iyadoo qorshuhu ahaa in caawa fiidkii la qabto.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Wadajir Sayid Cali Macalin Cabdulle oo la hadlay Jowhar.com ayaa sheegay in kulankan uu joojiyay Taliyaha Nabadsugida, isla markaana ujeedka kulanka uu ahaa arrimaha saameynta Siyaasadda Barriga Dhexe ee Gobolka Geeska Afrika.

“Muxaaradda siyaasadeed  waxaa caawa ayaan ku qaban rabnay Hotelka Saxafi hayeeeshee maamulka hoteelka ayaa goor dambe ah oo galabta ah nagu soo wargeliyey in amar uga yimid Taliyaha Nabadsugidda oo ah in dowladda aysan oggoleyn in C/raxmaan C/shakuur muxaarado qabto, uguna caga jugleeyey inay tallaabo ka qaadi doonaan maamulka Hotelka haddii kulanka caawa la qabto” ayuu yiri xogahayaha guud ee xisbiga Sayid Ali moalim.

Sayid Cali ayaa sheegay in tallaabada Hey’adda Nabadsugida ku joojisay kulankan uu qaban lahaa ay muujineyso sida hoggaanka dowladda Soomaaliya u bartilmaameedsanayan Mas’uuliyiinta Xisbiga, isla markaana xadgudub ku ah xuquuqda muwaadinka iyo xoriyadda hadalka oo Dastuurka dalka uu ogolaanayo.

“Tallaabadan caawa Hey’adda NISA inoogu awood sheegatay waa mid muujineeysa sida hoggaanka dowladda u bartilmaameedsanayaan masuuliyiinta Xisbiga Wadajir islamarkaana ay ugu xadgubayaan xaquuqda muwaadinka , xoriyadda hadalka iyo afkaarta oo ku oggolaanayo Dastuurka dalka iyo sidoo kale cuuryaaminta ahdaafta Xisbiga Wadajir oo ay ka mid tahay in dadka Soomaaliyeed lagala nishaaqo fahamka masaalixda iyo siyaasadaha caalamiga”ayuu yiri Sayid Cali Macalin.

Ugu dambeeyntii Xoghaya Guud ee Xisbiga Wadajir Sayid Cali ayaa ugu baaqay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya in ay xukuumadda kula xisaabtamaan dhammaan, tallaabooyinka ka dhanka ah Dastuurka ee isugu jira cagajugleynta,  dilka, xarigga, argagax gelinta lagu haayo madaxda iyo howl-wadeenada Xisbiga Wadajir.