C/Wali Muuddeey: “mooshinka waa ansax,Jawaarina shaqo ma qaban karo”

Guddoomiya ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Soomaaliya C/Wali Sheekh Ibraahim Muuddeey ayaa sheegay in mooshinka ka dhanka ah Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sh. Cismaan Jawaari uu yahay mid ansax ah islamarkaana aysan jiirn cid diidi karta.

Muuddeey waxaa uu sheegay in iyada oo la dhowrayo dastuurka dalka uu isagu yahay qofka Mooshinka diidi kara ama aqbali kara labadiina midkood uu sameeyay.

Waxaa uu sheegay in Xildhibaannada sheegay in mooshinkaas la baabi’iyay ay yihiin kuwo sharci darro ku kulmay,waxaana uu sidoo kale sharci darro ku tilmaamay ka qeybgalka Guddoomiye Jawaari ee kulankii Guddiga joogtadaha ah ee Golaha shacabka Soomaaliya.

Xildhibaanno ka mid ah Golaha shacabka kuna jira Guddiga Joogatada ah ayaa sheegay in la laalay mooshinkii islamarkaana la baabi’iyay.

Hayeeshee C/Wali Muuddeey oo qabtay shir Jaraa’id ayaa waxaa uu ka sheegay in Guddoomiiye Jawaari uusan wax shaqo ah qaban karin inta mooshinkaas ama lagu ridayo ama uu ka badbaadayo.