Falanqeyn Maanta: Xiligan Maxaa ku soo beegay mooshinka Guddoomiye jawaari?

Mooshin kalsooni kala noqosho ayaa laga gudbiyay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaasoo Xukuumadda iyo Madaxtooyada ay gadaal ka riixayaan.

Dhaq dhaqaaqyada Mooshinka ka dhanka ah Guddoomiye Jawaari ayaa si rasmi ah u soo shaac baxay habeenkii xalay ahaa,

iyadoo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay ka socdeen ololaha lagu saxiixayay Mooshinka.

Guddoomiye Jawaari ayaa lagu soo eedeeyay in mudadii xilka uu hayay uu ku kacay falal liddi ku ah dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha shacabka,

Guddoomiye Jawaari wali kama uusan hadlin eedeymaha uu xambaarsan yahay mooshinkan oo la sheegay in xildhibaanadu ay u gudbiyeen ku xigeenka koobaad ee guddoonka baarlamaanka.

Dadka in mooshin la maqashiiyo wax macna ah makeenayso ee waa in wax la iska waydiiyaa maxaa waqtigan ku soo beegay iyadoo wadanku ku jiro waqti adag

dhaqanka siyaasadeed ee shacabka lagu khaldayo waxaa ka mida mooshinada waqtiga Qaranimada soomaaliya la difaacayo maxa bulshada mooshin siyaasadeed loogu kala qeybiyaa maxaa khaldan?

waxaana Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha shacabka loo gudbiyay mooshinkan, kaasoo uu si rasmi ah u qabtay.

Guddoomiye ku xigeenka C/weli Ibraahim Muudey ayaa saaka aroortii lagu wareejiyey mooshinka oo ay saxiixeen 107 xildhibaan, waxaana uu saxiixay qabashada mooshinka,

Go’aanka ugu horeeya ee qabashada Mooshinka Jawaari keenayo ayaa ah inuusan Jawaari guddoomin karin fadhiyada golaha shacabka, iyadoo uu noqonayo xildhibaan caadi ah inta mooshinka. cod looqaadayo.

Waxaan wada og nahay in Guddoomye ku xieenka 1aad Mudane C/weli Ibraahim Muudey
uu Qaraabo dhaw la yahay agaasimaha Madaxtooyada Fahad Yasiin

ma la oran karaa mooshinka waxaa wada dawlado shisheeye. oo khal khal galinaya Rajada shacabka soomaaliyeed.

Waa wada og nahay in Guddoomiye jawaari yahay nin siyaasadiisu tahay mid jir jiroola ah

ee waxaa wanaagsen in wax la iska waydiiyo

Xildhibaanada mooshinka wada maxaan ku naqaana? si fiican u eeg Raga horboodaya mooshinka laga keenay jawaari waa koox qadiyadoodu tahay mooshin la iibsanayo oo musuq maasuqa

waxaan shaki ku jirin in madaxtooyadu heshay lacag badan oo gaaraysa 100milyan $ lacagtaa qeyb waxay ka timid wadanka sacuudiga oo ugu qeecay dawlada faderaalka ah

madaxtooyada waxaa ka socda jawi mashquul ah oo xoog lagu saarayo in dhaqso xilka looga tuuro jawaari.

Lacagta xildhibaanada loo balan qaadey ayaa loo malay nayaa tahay halkii xildhibaan 30.000$ tirada xika ka qaadi karta ee madaxtooyadu u baahan tahay waa ilaa 180 cod intooda bada hada madaxtooyadu way haysataa

Hawsha waxaa liiska xildhibaanada kala fikirka ah. Waxaa lagu mideynayaa Qorshaha ka socda Villa Somalia iyagoo. Saxii mooshinka ku kala Qoraya Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha dalka,

arinkan waxaa lagu wadaa dhaqaale waxaa hore. u isticmaali jiray kooxdii madaxweynihii hore mudane xasan sheekh arinka maaha wax cusub.

Xaalada. Dawlada uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo ayaa la kulmi doonta guul daro weyn mar hadey isqabtaa madaxda ugu saraysa dawlada Faderaalku. Timid

Anigu waxaan falanqeyn tayda farta ku fiiqayaa in madaxda dawlada Faderaalka ee mooshinka waqtiga wadaa cadeyn u tahay in wax la khaldayo. oo aaney dadka dalka wax dan ah ugu jirin khilaaf siyaasaseed. Waqtiga adag ee abaaraha iyo colaadu jirto.

Danjire Maxamed Caalim

Facebook Comments