Madaxweyne Farmaajo: “Waxaan soo celineynaa sharaftii ay Soomaaliya ku lahayd caalamka”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mu ddo sanad ah ka soo wareegatay markii xilkaasi loo doortay ayaa markii ugu horeysay jeediyay khudbad xasaasi ah oo dhinacyo kala duwan uu uga hadlay.

Madaxweyne Farmaajo oo khudbad u jeedinayay Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka munaasabadda furitaanka kalfadhiga saddexaad ayaa qiray in xukuumadiisa mudadii sanadka ahayd ay soo la kulantay marxalado adag sida weerarada Al-Shabaab, abaaraha dalka ka jira iyo xukuumad jilicsan.

“Waxaan soo celineynaa sharaftii ay Soomaaliya ku lahayd caalamka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo iyadoo xildhibaanada iyo dhammaanba intii daawaneysay khudbadiisa fadhiga ka kicisay, wuxuuna Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in dowladiisu dadaal xoogan ugu jirto sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod ah.

Madaxweynaha ayaa ka dalbaday xildhibaanada Baarlamaanka inay ansixiyaan 14-hindise sharciyeedyo, taasi oo uu sheegay in sharciyadaasi ay ka qeyb qaadanayaan horumarka dalka iyo dadka, isagoo ballanqaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan xukuumadiisu u hagaajineyso hannaanka garsoorka oo uu tilmaamay in daraasad uu isagu ku sameeyay arrintaasi cabasho fara badan ka soo gaartay.

Facebook Comments