War cusub iyoTaariikh badbaaday!.

Subaxdan 11.3.2018,waxaan la kulmay shaqaale ka tirsan maamulka baarlamaanka laakin xildhibaano ma aheyn, waxa ay ii xaqiijiyeen in dhismaha cusub ee la dhisayo uu noqonayo kan hadda lagu shiro,haddii ay xaqiiq tahay waan arkeeyna.

Waxa ayna ka cudur daarteen naqshada la soo saaray oo khaldaneed.waxa ay ii sheegeen in nin ganacsada ah oo fasax ka heeystay dowlada hoose uu damcay in uu makhaayad ka dhigto xaruntii hore, laakin barlamaanka ayaa diiday oo yiri: waa meel taariikhi ah sidiisii hore ayaa lagu celinayaa. Waan u mahad celiyay. Sawirka 1aad.

Kadib waxaan tagay, Taalada Talyaaniga ee u dhaw Arbaca rukun, loona dhisay in uu ka khudbeyo nin ka tirsanaa qoyska reer boqor ee talyaaniga. Taaladan waxaa dayac tiray shirkadda Hormud kuna qortay magaceeda ,taa waxaa ka carooday talyaaniga, dhib ayaana loo bilaabay in la dayac tiro iyada oo Talyaani & Uneisco iska kaashadeen, fiiri sawirka 2,3,4 dhismaha subaxaan ka socday.

Hooygii Sayid barqash oo a haa xarun lagu kaydiyo taariikhda somalidu waa burburtay, Dowlada Cumaan safiirkeeda London ayaa igu yiri: waan dayac tireeynaa, wixii laga bililiqeystay wixii ka harayna dib ayaan u soo ururineynaa. Fiiri: sawirada 5& 6aad.

Ma ogtahay in uu jiray sharci somaliya oo mamnuucaya guryaha Xamar weyne ee shacabku leeyahay haddii ay dumaan in dhib loogu dhiso sidii ay ahaayeen, in kasta oo hadda kuwa wadada ku soo jeeda naqshad kale loo dhisay. Dhismayaasha ku sii jeedo seconda Liido waa muuqaal taariikhi ah oo muujinaya sawirka astaanta guud ee muuqaalka Mogadishu.

FG: waxaan ka mahad celinayaa, go’ aankaa lagu badbaadinayo ex -parliament , halla dhowro taariikhada, Yuhuuda ayaa Ku maahmaahda ” hadaad rabtid in aad ummad gumeeysato marka hore taariikhdooda baabi’ “. Wixii iga qaldan iga sax, arragtidaadu waa muhim.

Qore: Yahya Amir.

Facebook Comments