Jabuuti iyo Mareykanka oo ka wada hadlay dagaalka Al Shabaab

Kadib kulan ay ku wada yeesheen Jabuuti xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tellerson iyo madaxweynaha dalkaasi Ismaaciil Cumar Gelle ayaa waxaa ay uga hadleen arrimo quseeya xirrirka labada dal iyo sidii ay iskaga kaashan lahaayeen la dagaalanka Xarakada Al Shabaab ee Soomaaliya.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ayaa ku amaanay dowladda Jabuuti sida ay uga qeyb qaadaneyso ladagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada iyo kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida.

Sidoo kale Xogyaha ayaa tilmaamay in Jabuuti ay ku yaalaan saldhiyada ugu waa weyn ee lagala dagaalamo Argagixasada iyo kooxaha Burcadbadeeda, kuwasi oo ay ku leeyihiin dalal ay ka mid yihiin Mareykanka, French, Japan, Italian iyo  China.

Mr Tillerson ayaa booqasho ku maraya dalal dhowr ah oo dhaca bariga Africa, sida Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti. iydoona la filayo in uu booqdo wadamo kale oo ku yaalla galbeedka Africa.

Booqashada xoghayaha arrimaha dbadda Mareykanka ee qaar ka mida dalalka Africa ayaa imaaneysa bilooyin kadib markii madaxweyneTrump uu hadal af lagaado ku yiri Qaramada Africa waa qashin qub oo kale, taas oo ay ka caroodeen madaxda dalalka Africa.