Is qab qabsi ka taagan Ugaaska beesha Silis Gorgate

Is qabqabsi dhinaca dhaqanka ah ayaa ka taagan beesha Silcis Gorgaate, kaddib markii laba oday dhaqameed mid kastaba sheeganayo inuu yahay Ugaaska beesha Silcis, hase yeeshee afhayeenka ururka dhallinyarada beesha Silcis Gorgaate C/qaadir Sheekh Ibraahim ayaa farriin u diray siyaasiyiinta, aqoonyahanka, odayaasha dhaqanka iyo shaqsiyaadka ku caanka ah nabadeynta ee beesha ka soo jeeda inay arrintaasi u istaagaan.

Afhayeenka ururka dhallinyarada beesha Silcis Gorgate ayaa ugu baaqay xubnaha Dowladda u matalaya beeshooda inay isu keenaan dhinacyada isku heysta Ugaasnimada beesha Silcis, wuxuuna ku eedeeyay Xildhibaan Cali Ganey oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka isla markaana ka soo beesha Silcis inuu ka gaabiyay xalinta is qabqabsiga dhinaca dhaqanka ee beesha dhexdeeda.

Waxa uu sheegay afhayeenka in xildhibaanka uu dhabarka u jeediyay ergadii isaga u dooratay kursiga xildhibaanimada, isagoo bilaabay inuu beesha dhexdeeda musuqmaasuqo isla markaana laaluush u adeegsado cid kasta oo qaada tallaabo dan u ah beesha Silcis.

“Beesha Silcis inay yeelato hoggaan dhaqan waxaa hortaagan Xildhibaan Cali Ganey oo ku caan baxay inuu kahorjeesto horumarka iyo danaha beesha Silcis” ayuu yiri C/qaadir Sheekh Ibraahim oo ku baaqay in beeshu yeelato shirweyne ay isugu yimaadaan dhammaanba waxgaradka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, culumaa’udiinka iyo hormuudka beesha Silcis si ay aayahooda uga tashadaan.

Dhinaca kale afhayeenka dhallinyarada beesha Silcis ayaa ku booriyay Xildhibaan Cali Ganey iyo xubnaha kale ee Dowladda ugu jira beesha Silcis inay door lixaad leh ka qaataan sidii loo caleema saari lahaa Ugaaska beesha isla markaana heshiis rasmi ah loo dhex dhigi lahaa labada lafood ee Ugaasnimada isku heysta.