Turkiga oo dhisayo xarunta Golaha Shacabka

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay heshiis cusub oo uu la saxiixday dowladda Turkiga, kaas oo lagu dhisayo xarunta KMG ee ay ku shaqeeyaan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in heshiiskan uu muhiim u yahay Soomaaliya, islamarkaana 5 bilood gudahood lagu dhisi doono xarunta Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaana uu tilmaamay in Mashuruuca dhismahaasi ay fulin doonto shirkadda TIKA oo ah shirkad laga leeyayhay dalka Turkiga.,

Xarunta Golaha Shacabka oo ah mid bubur xoogan uu ka muuqdo ayaan wax dayactir ah helin dhor iyo 20-kii Sano ee la soo dhaafay, waxaana la sheegay in dhismaheeda uu ku kacayo qiimo dhan 100 Milyan oo Dollar-ka Marykanka.