Suuqa Cusub ee Xildhibaanada.

Subaxaan waxaan tagay Hotel aanan badanaa tagi jirin, bacdamaa shaahiga laga cabo uu qaal yahay. Banaanka ayaan 2 koob ku soo cabay si aan uga maarmu shaaha gudaha ee qaaliga ah.

Kursigii dabacsanaa ee aan fadhiistay, waxaa isoo ag fadhiistay laba wiil oo ah Dallaaley siyaasadeed. Kuraasta badan oo barxadda Hotelka tiilna waxaa fadhiyay,xildhibaano koox koox u fadhiya oo doodaya.

Wiilashii ahaa Dallaaliinta siyaasaded ee i ag fadhiyay ayaa bilaabay in ay ka sheekeystaan,xildhibaanada iyaga oo isticmaalaya is afgarad dallaaley oo ay igu adkeed in aan si fiican u fahmo.

Dallaal A ayaa xildhibaan farta ku fiiqay isaga oo leh : Xildhibaankaa ka waran soow idinkama tirsaneeyn? . Dallaal B ayaa yiri: haa, laakin hadda waa nagu kacsan yahay ,waxa uu ka maseyray xildhibaan ay qaraaba yihiin oo nagu soo biiray.Kaana ganacsigiisaa u siyaasad ah, siyaasad kale shaqa kuma lahan.

Dallal A ayaa yiri: kaa jaakada watana ka waran? B ayaa yiri: weli naguma soo biirin, Maharkiisaa badan ,qaali ayuu noqday, kharajka codkiisa, 5 xildhibaan ayaan ku heli karnaa kharajka nooga bixi lahaa isaga. A ayaa haddan yiri: kaa shaatiga cadna ka waran? B ayaa yiri: kaa ma rabno, 5 furiin ayuu marayaa, meelna kuma nagaado.

Dallal A ayaa yiri: Kaa xiiranna ee dhinaca Bidix fadhiyana? B ayaa yiri: kaasu waa Gawaad, Xildhibaanada ayuu noo soo shukaamiyaa.kan dhinaciisa fadhiyana annagaa wax ka dhignay ee ciddiisu ma rabin.

Dallal A ayaa yiri: kaa shaatiga Buluuga leh,soow hore adinka idin lama jirin ,haddana soow kuma biirin Kutla ( group) kale oo xildhibaana ah ? B ayaa yiri: Kutlada Maxlal ahaan ayuu u galay ee waa noo soo noqonayaa.Dallaal A ayaa yiri: kaa laptop- ku mashquulsan ,soow kii idika tagay,kutla kale miyuu ku biiray?. Dallaal B ayaa yiri:waxa uu ku jiraa mudadii cidada saddax mar weli 3 dhiig muma dhicin, laaluushkii caloosha ugu jirayna waa ka dhamaaday,kaa kaleba agtiisa waan kadhimanay oo asaay ayuu sidaa, ha iska tago, 4 bil iyo 10 cisho ka hor cid aaminee ma jirto.kan la fadhiya laftiisu waa Nashuusho ma fureyno , laakiin biil waa siinaa.

Dallal A ayaa yiri: waxaa jira 11 kutlo oo xildhibaana ah, fekradahoodu muxuu ku kala duwan yihii?. Dallaal B ayaa la soo booday, fekrada beel! Lacagta bis ayeey ku kala duwan yihiin ee feker siyaasadeed ma jiro ,intaan laba kutlo oo ayr yar aan ka aheeyn.

Dallaal A ayaa yiri: kuwaa kale ee isku buuqsan Xildhibaana ma ahan ee maxey yihiin? Dallal B ayaa yiri: waa rag iyo dumar subax kasta xil jeebkooda ah isku magacaabo, habeenkiina riyo isku maaweeliya. Mar dhaw ayey yimaaden waxa ay qayb ka yihiin mashuuca weyn ee “ qaran lagu aaminay dad la yaqaan cidda ay yihiin, laakin aan la aqoon cidda ay u shqeeyaan, waa qaran lagu khamaarayo”.

Dallal A ayaa yiri: shacbku soow kuwaa ma arkaan?. Dallal B ayaa yiri: war shacabku waa indha la’ yahay. Feeynuus aad u ifeeysa ayaan annagu u shidnay ee iyagaan wax arag.( fiiri Sawirka 1aad).

Akhristoow, meeqa xildhibaan oo dhaqankaa leh ayaad soo xasuusatay, mid Nashuushaa, mid Ciddii ku jira, mid asaay sidda, mid furiinkiisu batay oo aan meelna ku nagaan, mid maseyrsan iyo……..annigu warka dallaaleyda siyaasadeed si fiican uma fahmin ee adigu ma iga roon tahay oo ma fahamtay?.

FG: sheekadu waa hal abuur Fiction, wixii ka khaldan ka sax,wixii ka dhiman ka dhiman ku dar, xildhibaanada qaran ee ku matala ha u gafin, aragtidaadu waa muhim.

Qore: Yahya Amir

Facebook Comments