Ciidamada ka tirsan Dowladda oo qarax miino lagula beegsaday duleedka Muqdisho.

Wararka ka imaanaya Deegaanka KM13-ayaa sheegaya in Deegaanka weydow ee duleedka magaalada Muqdisho daqiiqado ka hor uu ka dhacay qarax miino oo lala beegsaday Gaari nuuca Cabdi bilaha loo yaqaano oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Gaariga Ciidamada ee qaraxa lala beegsaday ayaa maraayay agagaarka maqaayad la yiraahdo Aaran oo u dhaw deegaanka weydow ee duleedka Muqdisho, dadka deegaanka ayaa saxaafada u sheegay inay arkayeen dhaawac qaar ka mid ah ciidamada saarnaa gaarigaasi ee qaraxa lala beegsaday, sidoo kale waxaa la soo shegayaa inay jiraan dhimasho soo gaartay askarta qaar balse aysan heyn tirada qarxaasi wax ka soo gaartay.

Dhanka kale ma jirto wax hadal oo ka soo baxay laamaha Amniga ee dowladda, waxaana maalmahaan soo badanaya qaraxyada lala eegto Ciidamada Dowladda.