Kooxda Arsenal oo ku garaacday AC Milan Garoonka San Siro

Arsenal ayaa guul k soo gaartay kooxda AC Milan oo ay San Siro marti ugu ahayd,waxayna Gunners ugu dambayn ka baxday xaaladii murugada badnayd ee ay ku soo jirtay kulamadii ugu dambeeyay.


Ciyaaryahanada kala ah Mkhitaryan iyo Aaron Ramsey ayaa Milan qaybtii hore min hal gool ka dhaliyay si ay kooxdooda Gunners u dhigaan xaalad ay si buuxda ciyaarta ugu maamuli karaan.

Arsenal oo walwal xoogan ka qabtay kulanka Milan ayaa 2-0 guul ah ku soo gaartay ka hor inta aysan Emirates Stadium ku soo dhawayn AC Milan. Kooxda reer Talyaani ayaa ku fashilantay inay ka faa’iidaysato jamaahiirta kooxdeeda iyo garoonkeeda waxayna London iskeeni doontaa iyada oo ah kooxda uu culayska ugu wayni saaran yahay.

Arsene Wenger iyo kooxdiisa ayaa qabay natiijo fiican ku soo gaadhay San Siro si ay ugu soo bixi karaan siddeed dhamaadka Europa League oo noqon kara dariiq ay ugu soo bixi karaan UEFA Champions League.

Dhanka kale ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay Arsenal ayaa guul gaartay, waxayna Milan ku soo abuurtay rajo xumo iyada oo kulanka lugta labaad ee Emirates Stadium uu noqon doono mid shaqo wayn ay Milan u taalo.

Facebook Comments