Dowladda Mareykanka oo liiska argagixisada ku dartay saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Dawladda Maraykanka ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in laba sarkaal oo ka tirsan Al-Shabaabka Kenya inay ku dartay liiska kooxaha argagixisada ah, kuwaasi oo ay ku eedeysay dembiyo dhowr ah sida weeraro ay ku qaadeen dalka Kenya.

Labadaan xubnood ayaa Maraykanku u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, waxayna kala yihiin Axmed Iimaan Cali iyo Cabdifataax Abuubakar Cabdi waxaana Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanku sheegtay inay halis weyn ku yihiin amniga muwaadiniinta Maraykanka, amniga qaranka Maraykanka, siyaadadda arimaha dibedda iyo dhaqaalaha Maraykanka.

Maraykanku waxa uu sheegay in Axmed Iimaan Cali uu madax kasoo ahaa garabka Kenya ee ururka Al-Shabab tan iyo sannadkii 2012-kii isla markaana uu agaasimay hawllgallada ururka eee gudaha Kenya, waxaana lagu sheegay warka qoraalka ah ee kasoo wasaaradda arimaha dibedda Maraykanka in hawlgallada uu maleegay ay bartilmaameedsadeen weerarkii lagu qaaday ciidamada Kenya ee magaalada Ceel-Cadde.

Dhinaca kala dawladda Maraykanku waxay sheegtay in sannadkii 2015 Kenya ay liiska argagixisada ku dartay Cabdifataax Abuubakar Cabdi iyadoo la tuhunsan yahay inuu ka tirsan yahay Al-Shabab taliyayaashiisa Kenya. Waxa kale oo loo doonayaa inuu ku lug lahaa weerraradii dadka badan ku dhinteen ee sannadkii 2014-ka ee lagu qaaday Mpeketoni, Kenya weeraradaasi oo ay ku dhinteen dad ku dhow 60 qof.