Shariif Xasan oo deegaanka Balli-doogle kula kulmay Saraakiil Ciidan Oo Soomaali iyo Cadaan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta gaaray degaanka Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka iyo Saraakiil ka tirsan Ciidan Cadaan ah kuwaas oo lagala hadlay howlgallo ka bilaabanaya sida la sheegay deeganada Koonfur Galbeed ee aysan joogin ciidanka xooga.

Dhanka kale Qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ee uu u yimid Bali doogle ay qeyb ka tahay diyaar garow loogu jiro in la isku furo wadada xeriirisa Gobolada Shabeelaha hoose iyo Bay iyo Bakool.