Qatar oo ku baaqday in la ilaaliyo Madaxbanaanida Soomaaliya.

Taariq Cali Al-Ansaari Madaxa Waaxda iskaaashiga Caalamiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Qatar oo ka qayb galay shirkii lagu qabtay Magaaladda London ayaa khudbad uu shirkaas ka jeediyay wuxuu ku sheegay in Muhiimad weyn ay dunida, Gobolka iyo Soomaaliya u leedahay in la ilaaliyo midnimadda Soomaaliya.

Sarkaalkaan ka tirsan Wasaaradda arrimaha Dibadda Qatar ayaa sheegay in Midnimadda, Madaxbaanidda dhuleed iyo Xoriyadda Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, Wuxuuna khudbadiisa ku daray Muhiimada ay leedahay in Cid walba ay Xushmeyso Qaraaradda adkeeynaya Madaxbaaniada ee Golaha guud ee QM, Golaha Ammaanka, Jaamacadda Carabta iyo Midowga Africa, wuxuuna soo jeediyay in Soomaaliya lagu taageero Midnimadeeda.

Qatar ayaa sheegtay in Doowladeedu ay Taageero Hiil iyo Hooba leh la garab taagan tahay Soomaaliya, iydoo Qatar ka mid tahay Dowladaha Saaxiibtinimadda Adag ee Xifaaltanka ku dhisan la leh Soomaaliya, Dowladdo Dhowr ah oo ku yaala Khaliijka ayna ka mid yihiin Imaaraadka iyo Sucuudiga ayay kula tartameeysa Soomaaliya.

Dhanka kale Soomaaliya ayaa dhex-dhexaadnimo ka Dooratay Markii Imaaraadka iyo Sucuudigu u soo jeediyeen inay Xiriirka u jarto Qatar, Wixii Xilligaas ka Dambeeyayna waxaa xoogeystay Xiriirka Dublamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Qatar.