Maqaal iyo Daawasho: Imaaraadka hadii aan wax laga qaban, khatar ayey gelin kartaa Geeska Afrika

Ninkan Galloway barnaamijkiisa ka hadlaya… meelo badan baan arkay oo Maashaa Allah lagawada leeyahay iyo inbox-keyga oo asxaab badan iigu soo dirtay……!

Inkastoo hadalkiisa dhexda laga soo qabtay laakin inta hadda aan aragno baan ka hadlayaa.

Bal inta aanan u dhaadhicin fikir ka bixinteyda wuxuu cabir isleeyahay, aan horta isxusuusino arrinka Turkiga uu soo qaatay….!

Waxaa weydiin mudan sababta madaxweyne Erdogan ugu arkay culeys wadaadka la yiraahdo Shiikh Muhammed Fethullah Gülen uu ku eedeeyay inuu ka dambeeyay afgambigi dhicisoobay, isagooba waddanka isaga tegay, sababta waa cadahay oo wuxuu yahay shaqsi bulshada ka qabsaday meelaha umad laga yeesho sida waxbarashada, caafimaadka, u gargaarista dadka liita, dhaqaalo iyo shaqo abuur saasna fikirkiisa ku lamaaniyay “indoctrination” taasoo keentay inuu ahaado nin leh umadda oo markaa madaxda, askarta, dhaqaatiirta, meelwalbana saameyn ku yeeshay……… waa kii madaxweyne Erdogan ku dhaqaaqay inuu dabar jaro oo uu jirido gooyo…..!

Marka, anaga nacam waa naloo soo gurmaday laakin qofna bilaa ujeedo waxba uma bixiso, dadki garan lahaa in arrinkaa laga faa’iideysto lana xadido dhexgalka dawlad kale umadda waxey aheyd waajib saaran dawladda laakin in Waddanki lagu sii daayo oo arrimihi bulshada dhanwalba u dhexqaadaan oo ilihi dhaqaalaha farta laga saaro qatarteeda waqtiga fog waxyar maaha..!

Qatarta Turkiya ee bilaa xakameynttisa keeni karta waa arrin an u baahneyn in xitaa la iftiimiyo……!

Aan u soo dego arrinka shabaab uu ku sifeeyay (Wiilal xoolo raacata ah)

Qatar baa arrimaha jabhadaha diniga gacansiintooda aan ogeyn… Imaaraadka Waddanka Xoog kuma iman, ciidanka ay tababarto iyada xero uma sameysan ee dawladda Soomaalida baa ka codsatay marka eeda meel ayna aheyn baa lala aaday..! Marka hadda qatar waxey ku wareejisay maalgelinti jabhadaha Imaaradka waaye dooda ninkan loo wada riyaaqay..

14 Oktoobar qarixi ahaa xog laga helay ilo sireedyo waxey sheegeen in loola dan lahaa Turkida xeradooda ciidan ( Isku jahaba maaheyn) Qatar waxey sheegtay in xarunteeda loo waday imaaraadkana ka dambeeyeen hal gaari oo zone isbitaal Banaadir dhankiisa lagu qabtay oon qarxin ee dhanka Madina ku sii jeeday baa macquul ah ee tolow goormaan garasho gaabinay???

Ma sii wadikaro oo qoraalka ayaa iga dheeraan laakin Soomaaliya meesha aan naal anagaa isdhignay welina caqli naga saaro ma muuqdo, madax caqli ku jiro oo indho leh ee la jarana naguma yaal oo haddii uu jiro qatarta aan dhexda kaga jirno baa noo cabirmi laheyd… ereyga “Obliteration” iyadana malaha iskageli bey ku timid mesha baan u maleyn..

Hal mid waan ku raacsanahay in dhibka na heysta uga bixi karno anagoo garano kadibna gacmaha isqabsano oo hogaan dhaba helno…

Arrin madax fedraaal iyo maamulada kale ay lug ku leeyihiin, anagana aan u kala safanahay baan jabkeeni markuu xanuunka soo kordhaba baa buuq isku furnaa… waryaada galbinta qeyb ka ahaada ama talo Waddan lagu badbaadiyo la imaada meesha mid hadda ma taalo’e

SOOMAALIYA NASIIBKEED!

Ogow cadowgaag kow aad

Posted by Wiilwaal RaadRaac on Wednesday, March 7, 2018