Falanqaynta Maanta: Shiinaha iyo Mareykanka, Dagaal dhaqaale ee Afrika?

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa socdaalkiisii ugu horeeyey ku tagaya Qaarada africa.

Socdaalkan xogahayaha mudane Tillerson waa fursad lagu xoojinayo siyaasada arimaha dibada ee dawlada Maraykanka ee ku wajahan Qaarada Africa. Taas oo soo jirtay waqti dheer

Tillerson ayaa la kulmi doona inta safarkiisa africa ku jiro hoggaamiyeyaasha Chad, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Nigeria intii uu socday safaradii 6-dii illaa 13-kii Maarso.

Xagee ka bilaamay tartanka shiinaha iyo Maraykanku ee Qaarada africa ? Djibouti.

Dawlada Shiinaha ayaa Qorsheesatay baahinta cududdiisa militaarnimo qaaradda Afrika, iyadoo ilaashanaysa danaheeda dhaqaale ee Qaarada africa waxay Djibouti unoqotay meesha ay ka furteen saldhiga milateri ee ugu horeeyey ay ku yeeshaan Qaarada Africa iyo meel laga ilaaliyo maraakiinteeda ganacsi ee yimaada qaarada Africa.

Dawladda Maraykanka waxay iyaduna Saldhig milateri ku leedahay wadanka Djibouti waxaa u jooga 4000 kun ciidan ah ciidamadan ayaa ilaaliya danaha dawlada Maraykanka ee Qaarada africa.

Waxaa cad in labadan dawladood ku dhex dagaalamayaa danahooda u gaarka ah ee Qaarada Africa.

Arinka waxa uu bilaabay dagaalka Qaboow oo dhaqaale una
dhaxeeya Maraykanka iyo Shiinaha.

Socdaalka Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Mareykanka mudane Tillerson ee Qaarada africa ayaa ku bilaamay in dawlada Maraykanku ku dhawaaqdey lacag dhan 5,33 Milyan oo Dollar in Mareykanka uu ugu deeqay dalalka Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Itoobiya iyo Kongo.

Lacagtaasi oo wax lagaga qabanayo arrimaha Bani’aadanimada, Amniga iyo la dagaalanka Argagixisada. Waxa uu tilmaamay in Mareykanka uu ka qeyb qaadan doono islamarkaana uu ka taageeri doono arrimaha la xiriira la dagaalanka Musuq maasuqa iyo in hay’adaha Dowladda ee Qaarada ay noqdaan kuwa Mareykanka uu gacan ka geysto.

Awood dhaqaale ee Qaarafa Africa ayaa xoogeysanaysa sida la saadaaliyey 10ka wadan ee dhaalahoodu korayo aduunka 5 wadan oo ka mida ayaa ku yaal qaarada africa taariikhda 2030 marka lagaaro.

Africa waxaa laga filayaa inay shaqa abuur yeelato qiyaastii rubuc ka mid ah shaqaalaha adduunka taas oo ah astaanta wanaagsen ee maalgashiga qaarada Africa.

Waxaa kaloo dawlada Maraykanka xoojinaysaa geeddi-socodka siyaasadeed ee dhabta ah ee Itoobiya, Kenya iyo waddamada kale ee Afrika ee khilaafka siyaasadeed ka jiro sida Koofurta Sudan, Burundi, Kongo, Somalia iyo Mali.

Waxaa falanqeyntayda ku soo gaba gabay nayaa xiriirka maraykanka iyo Qaarada afrika waa mid ku cad Taariikhda maraykanka ilaa waqtigii laga ganacsan jiray dhoofinta dadka reer Africa.

Waqtigii dagaalka qaboobaa waxaa dagaal siyaasadeed ku dhexmaray dawlada maraykanka iyo dawladii Midowga Soofiyeed dagaalkaa waxaa ku guulaystay dawlada Maraykanka.

Hadana waxaa dagaal dhinaca dhaqaalaha ku dhisan uu u dhaxeeyaa dawlada Maraykanka iyo dawlada Shiinaha waa dagaal adag oo waqti dheer qaadan doona Taariikhda ayaa sheegi cida ku adkaata.

Former diplomat

Maxamed caalim.