Dowladda Mareykanka oo Wadamo ay Soomaaliya ka mid tahay ugu deeqay $533Million.

Rex Tellerson Xogayaha Arrimaha Dibadda Mareeykanka oo lagu wado inuu booqdo markiisii ugu horeysay qaaradda Afrika ayaa ka hor Safarkiisan wuxuu magaalada Washington kaga dhawaaqay in Mareykanka uu ku yaboohayo lacag dhan $533Million oo ay ugu talagaleen Afrika gaar ahaan wadamada Nigeria, Itoobiya. Koofurt Suudaan, Soomaaliya Iyo Wadamada dhaca harada Chad.

Maraykanku ayaa lacagtan ugu talagashay ayaa dhamaantood waxaa jira colaado iyo Abaaro isbiirsaday kuwaa oo keenay xaalado Aadanimo oo ba’an.

Lacagtan ayaa la sheegay in $128Million oo ka mid ah waxaa lagu qaban doonaa abaaraha iyo colaadaha ka jira wadamada ku teedsan Harada Chad iyo Nigeria, iyadoo $184Milyana waxaa la sheegay in la gaarsiin doono dalka Koofurta Suudaan, Halka $110Million oo ka mid ahna Ethopia oo xasarado ka taagan yihiin la geyn doono.

Dhanka kale Soomaaliya waxaa la sheegay in loogu talogalay in $110Million la siinaayo, si loo wajaho loogana adkaado dhibaatooyinka amni iyo kuwo dhaqaale ee heesata shacab badan oo Soomaaliyeed, iyadoo Qaaradda Afrika ku soo laalaabtay abaaraha galaaftay dad iyo duunyadaba taa oo la sababeynayso Isbadalka cimilada aduunka ee sii xoogeysanaya.