Dad ku xanuunsaday Kalluun ay cuneen oo la dhigay qaar ka mid ah Isbitaalada Muqdisho

Wararka laga helayo qaar kamid ah isbitaalada magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dad ku dhow labaatan ruux saacadihii la soo dhaafay loola cararay isbitaalada, kaddib markii ay ku xanuunsadeen hilibka Kalluunka oo ay cuneen.

Isbitaal maxalli ah oo lagu magacaabo Jazeera ayaa xalay la dhigay illaa shan ruux oo isku qoys ahaa, kuwaasoo iyagoo xaaladooda liidata la geeyay, waxaana loo fidiyay gurmad caafimaad.

Madaxa Isbitaalka Jazeera Dr. C/shakuur Maxamuud ayaa sheegay in dadka la keenay Isbitaalka ay ku xanuunsadeen Kalluun ay cuneen, isla markaana xaaladooda ay iminka wanaagsan tahay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in isbitaalada kale la geeyay dad ku xanuunsaday Kalluun ay cuneen, lamana oga illaa iyo hada waxa sababay, inkastoo la sheegayo inay u badan inay ku sumoobeen.

Xilligan oo Kuleelaha lagu guda jiro Qiimaha Kalluunka la iibiyo ayaa aad u hooseeya, waxaana dadka Muqdisho ay aad u iibsadaan kalluunka, marka uu qiimihiisa hoos u dhaco.