Jaaliyadda Soomaalida Sweden oo soo dhoweyn heer sare ah u sameysay Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir

Dalka Sweden ayaa waxaa siheer sare ah loogu soo dhaweeyay gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed oo dhawaan halkaasi gaaray.

Taabit Cabdi Maxamed oo booqasho ku marayay dalal ka mid ah Qaarada Yurub ayaa waxaa Xaflad soo dhweyn ah u sameeyey Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi Sweden iyo xubno kale.

Bulshadii ka qeyb gashay soo dhaweyntiisa ayaa waxa ay ku amaaneyn Taabit waxyaabihii uu ka qbatay gobolka Banaadir intii uu madaxda ka ahaa taas oo rajo gelisay in ay dalkooda ku soo laabtaan.

Gudoomiihii hore ee gobolka Banaadir Taabit Cabdi ayaa uga mahadceliyay  dhammaan Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Sweden ee soo dhaweynta u sameeyay, waxaana uu sheegay in weli dalalka ka mid ah Qaarada Yurub uu tegi doono si uu ula kulmo Bulshada Soomaliyeed ee ku nool dalalkaas.

Facebook Comments