Garsoore Mareykan ah oo joojiyay dib u celinta Somali ku xiran Texas

Garsoore Mareykan ah ayaa joojiyay dib u celinta Soomaaliya ku xiran Gobolka Texas ee Dalka Mareykanka,kuwaas oo lagu waday in dib loogu soo celiyo Soomaaliya.

Dadkan oo ay tiradoodu dhantahay 54 Qof waxaa laga qab qabtay Gobollo kala duwan oo Mareykanka ah waxaana la doonayay in Bishan March laga soo dejiyo Dalka Koofurta Suudaan kaddibna Soomaaliya sidaas lagu keeno.

Hay’ado u dooda xuquuqda aadanaha iyo qareenno Soomaali ah ayaa ku guuleystay in ay baajiyaan dib u celinta dadkaas kaddib markii ay dacwad ku fureen laanta socdaalka Mareykanka ee ICE oo dadka qab qabata.

Dadkan waxaa sidoo kale ka mid ahaa dadyow kale oo u dhashay Dalalka Congo, Gambia iyo Koofurta Suudaan, waxaana dhamaantood lagu guuleystay baajinta dib u celintooda.

Maxamuud Muuse Cadde oo ka mid ah Qareennada u doodayay dadkan ayaa sheegay in Garsooraha Maxkadda Gobolka Texas uu joojiyay dib u celinta dadkaas.

Dhinaca kale Maxamuud waxaa uu ka hadlay halka ay ku dambeeyeen 92 Qof oo Soomaali ah oo iyana ku xiran Gobollada Miami iyo Florida.

Maxamuud ayaa sheegay in sidoo kale dadkaas lagu guuleystay baajinta dib u celintooda,waxaana lagu guuleystay in loo xareeyo dacwad loogu raadinayo sharci rasmi ah oo ay ku degganaadaan Mareykanka haddii ay ku guul darreystaanna ay dadaal kale u geli doonaan.