Ciidamo Itoobiyaan ah oo markii ugu horeysay la geynayo Dekedda Berbera

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in dhinacyada ku heshiiyay Dekedda Berbera ee ka kooban Somaliland, Itoobiya iyo shirkadda DP World ay bilaabeen fulinta qodobadii ay kala saxiixdeen.

Horraanta toddobaadka soo socda ayaa la filayaa in magaalada Berbera markii ugu horeysay laga dejiyo cutubyo ka tirsan ciidamada milateriga Dowladda Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiyaanka ah ay degayaan laba xarumood oo kala ah Dekedda Berbera iyo saldhigga Imaaraadka ka sameystay halkaasi, kuwaasi oo iyagu ka qeyb qaadanaya sugidda amniga Dekeddaasi.

Dhinaca kale dowladda Imaaraadka Carabta ayaa qorsheyneysa in saldhigga ciidan ee ay ku leedahay magaalada Berbera ku ururiso ciidamo Afrikaan ah oo qeybna ay ka yihiin kuwa Itoobiyaanka ah halkaasi ku tababarto si ay uga qeyb qaataan dagaalka ka socda dalka Yemen.

Heshiiska muranka badan dhaliyay ee saddex geesoodka ah oo dhex maray Shirkadda DP World ee Imaaraadka Carabta laga leeyahay, maamulka Somaliland iyo Dowladda Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa inuu dhaliyo dagaal iyo weeraro ka yimaada maleeshiyada Xuutiyiinta Yemen oo dhowaan u digay maamulka Somaliland.