Mid kamida Xarumaha Shirkada Hormuud oo la duqeeyay

Mid kamida xarumaha ay shirkada isgaarsiinta Hormuud  ku leedahay gobolka Gedo ayaa loogeystay duqeymo xoogan iyadoona duqeyntaas ay noqoneyso markii sadexaad oo ay ciidamada dalka Kenya geystaan.

Col.Axmed Aadan oo laahdlay warbaahinta ayaa sheegay in shacabka gobolka Gedo ay soo wajahday  dhibaatooyin xoogan maadaama ciidamada dalka Kenya ay duqeeyeen shirkadii isgaarsiinta iyo xawaalada u ahayd.

Waxa uu sidoo kale sheegay in marka ay abaaro soo wajahaan dadkaas shirkada hormuud ay usameyn jirtay samafal xoogan balse haatan uu samafalkii meesha ka baxayo maadaama la dukheeyay oo ay bur burtay xaruntii.

Dhanka kale Col. Axmed Aadan ayaa sheegay ujeedada loo duqeeyay shirkada Hormuud in ay tahay dowlada Kenya oo doonaysa inay ku soo durugto xuduuda ay Somaaliya lawadaagto iyadoona doonaysa inay baabi’iso deegaano badan oo katirsan Soomaaliya si halkaas ay derbi ooga dhisto.