Mareykanka oo si deg deg ah u xiray Safaaradiisa Magaalada Ankara ee Dalka Turkiga

Wasaaradda arrimaha dibadda Dalka Mareykanka ayaa digniin dhinaca amaanka ah ka soo saartay safaaraddeeda Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga.

Sidoo kale isla safaaradda war ay soo saartay waxaa ay ku sheegtay in muwaaddiniinta Mareykanka ah uga digtay in ay ka fogaadaan goobaha ay dadka ku badanyihiin

Waxaa hakad la geliyay dhamaan howlihii safaaradda, waxaana kaliya la oggolyahay adeegyada deg deg ah iyada oo ilaa amar dambana la joojiyay bixinta dal ku galka Mareykanka.

War ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Ankara ayaa isna sheegay in Ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha qaar iyada oo weerarro argagixiso laga baqayo.

Safaaradda Mareykanka ee Ankara waxaa ay bartilmaameedka weerarkii 2013kii,iyada oo Dowladda Turkiga ay sheegtay in weerarro argagixiso ay ka filaneyso Daacish iyo Ururrada Kurdiyiinta ee ay Turkiga argagixisada u yaqaannaan.

Facebook Comments