Guddoonka 2-da Aqal Baarlamaanka oo shaaciyay waqtiguu furmayo kalfadhiga 3-aad ee Baarlamanka.

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay in 10-ka bishan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Sooomaaliya oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

Xoghaayaha Guud ee Golaha Shacabka C/kariin Xaaji Cabdi Buux oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in 10-xubnood oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka loo xilsaaray diyaarinta munaasabadda furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka Bishaan.

Guddigaan ka kooban 10-ka xubnood oo uu Guddoomiye u yahay Senator C/risaaq Cusmaan Xasan Jurile iyo ku-xeenkiisa Xildhibaan Khaalid Macow ayaa waxay diyaarinayaan munaasabada furitaanka fadhiga Baarlamaanka oo dhici doonta 10-ka bishan.

Dhanka kale Ajandayaasha ugu waawayn ee haatan horyaala Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah, Arrimaha doorashooyinka, Dib u eegista Dastuurka dalka, Sharciga Jinsiyadda dalka iyo arrimo kale, waxaana Kalfiga Baarlamaanka furi doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.