Dhageyso barnaamij gaar ah oo ku saabsan tacliinta dhalaanka Soomaaliyeed ee Ururka Ayos….

Barnamij gaar ah oo ku saabsan tacliinta dhalaanka Soomaaliyeed ee danyarta ah iyo ururka Ayadoon oo ku howlan saro u qaadida aqoonta dhalaankaas.

Waxaa wareeysi xiiso badan oo qadka telefonka ah kula yeelanay gudoomiyaha ururka Ayadoon Mudane Kunciil Abdulaahi Salad oo jooga magalada Muqdisho. Wareeysiga oo soo wareystay Wariye Yoonis Khaliif ee Radio somaliweyn Gothenburg Sweden ee FM 88.

Dadweynaha Soomaaliyeed ee u naxaayo dhibaatada dhalinyarada Soomaaliyeed  ee waxbarasho la’aanta, Waxaa hadda soo baxay dhalinyaro Is xilsaartay in ay wax ka qabtaan dhibaatadaas taagan, dhalinyarada isxilqaamay Waxay u baahan yihiin taageero joogto ah si ay u fuliyaan hamigoodo ah in ay ka haqab tiraan waxbarasho lacag la’aan ah.

Ururkaan Ayadoon Waxaa uu kaa sugaayaa taageeradaada mid niyad ah iyo mid wax u dhiibid ah.

Halkan ka Dhageyso