Arimaha Barakacayaasha oo looga hadlayo Muqdisho

Shir uu soo agaasimay maamulka gobolka Banaadir islamarkaasinna diiradda lagu saarayo xaaladaha barakacayaasha ayaa goor dhow ka furmay magaalada Muqdisho. Shirka waxaa ka qeyb galaya xubno ka socoda maamulada ka jira dalka, maamulka gobolka Banaadir iyo heyada ka shaqeeya arimaha gar garaaka iyo barakacayaasha.

Xaaladaha shirka diiradda lagu saarayo ayaa waxaa kamid ah:-

  1. Qaabka ay u nool yihiin barakacayaasha iyada oo diiradda la saarayo noloshooda.
  2. Amaankooda gaar ahaan deegaanka ay ku nool yihiin.
  3. Eegis lagu sameynayo shuruucda dalka ee sida gaarka ah ula xiriira barakacayaasha.
  4. Dib-udejin loo sameynayo barakacayaasha iyo haddii dib loogu celinkaro deegaanadii ay ka soo barakaceen.

Qodobo kale oo muhiim ah ayaa sidoo kale shirka looga hadlayaa, waxaana shirkan uu imaanayaa xilli dhowaan dowladda lagu eedeeyay barakacinta dad danyar ah kuwaasi oo ciidamo ay ka bur buriyeen guryahooda.

Maamulka Banaadir ayaa u saaray guddi baaritaan sameeya oo laga war dhowrayo in ay arintaas warbixin ka keenaan. Maamulka ayaa qaaday tillaabooyin muhiim ah tan iyo markii la magacaabay gudoomiyaha cusub Cabdiraxmaan Yariisow.