Al-Shabaab oo shaacisay Magaca Iyo Beeshiisa Ruuxii Isku Qarxiyay Saldhiga Imaaraadka ee Afgooye

Warbaahinta Taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay Magaca iyo Qabiilka uu u dhashay ruxii ka xeynayay gaariga Lagu dhuftay saldhiga Imaaraadka Carabta ee degmada Afgooye,waxeyna magaciisa ku sheegeen Aadan Cali Ukumey oo sidoo kale loo aqooni jiray (Qalinle Iyo Baariyow).

Jimcihii la soo dhaafay saldhig melleteri oo gacanta ay ku heyso dowladda Imaaraatka carabta ayaa waxaa weerar ku qaaday Al-Shabaab, iyadoo xeradaasi lagu tababaro ciidamada dowladda Soomaaliya, Waxayna Shabaabku shaaciyeen Magaca Ruuxii ka danbeeyay wrarakaasi loo Adeegsaday Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Ururka Al-Shabaab ayaa sido kale sheegay in Aadan Cali Ukumey (Qalinle) inay Da’diisu ahayd 26 sano Jir ku dhashay degmada Qansax dheere ee gobolka Bay, kana soo jeedo Beesha Hubeyr gaar ahaan reer Wanjele.

Dhanka kale Weerarkii lagu qaaday Jimcihii aynu soo dhaafnay saldhig melleteri ee dowladda Imaaraadka Carabta ku leedahay degmada Afgooye, ayaa la sheegay iney dhimasha iyo dhaawac ku noqdeen askar iyo saraakiil Ajaanib ahaa oo kamid ahaa saraakiisha tababarada ciidamada dowladda ee saldhiga Imaraadka Afgooye.