Xildhibaan Abuukaato: “Shacabka waa in ay ka banaanbaxaan waddooyinka xiran”

Xildhibaan Maxamuud Cabdullahi Axmed oo loo yaqaan Abuukaato ayaa shacabka Muqdisho ugu baaqay in ay banaanbax ka dhan ah Waddooyinka xiran ka dhigaan Magaalada Muqdisho.

Xildgibaan Abuukaato oo la hadlayay Idaacadda Mustaqbal ayaa sheegay in dowladda uu hoggaaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay ka baxday ballantii ay ka qaadday Shacabka ee ahayd in aan waddooyinka laga xirin dadka haddii isaga la doorto.

Xildhhibaanku waxaa uu sheegay in dadkii markii la doortay Madaxweynaha ku banaanbaxayay “Farmaajo ii geeya”,ay hadda qaati ka taaganyihiin adeegsiga waddooyinka Magaalada Muqdisho oo u xiran Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya.

Maxabuud  Cabdullahi waxaa uu aad u dhaliilay siyaasadda dowladda ee sugidda amniga Muqdisho,isaga oo ku doodaya in waddooyinka oo la xir xiro aysan ku imaneyn amaanka Magaalada Muqdisho.