Warbaahinta Kenya oo daabacday inay Korortay Tiradda Haweenka ah ee ku biiraya Al-Shabaab

Warbixin dheer oo lagu daabacay Wargeeyska Daily Nation ayaa muujineeysa inay kordheen Tiradda Haweenka Kenyaanka ah ee ku Biiray Al-Shabaab iyo kuwa Ciidamada amaanku ay Xireen iyagoo Damacsan inay ku Biiraan Al-Shabaab.

Haweenka ku biiraya Al-Shabaab ee Kenya ayaa la sheegay inay qaarkood ka mid ahaayeen Ardayda Jaamacadaha oo isaga tagay waxbarashadda halka qaar kalena markii ay Jaamacadaha dhameeyeen ay ku biireen Al-Shabaaab.

Ardayada lagu magacaabo Khadija Abubakar oo jaamacadda Kenya ku taala ka baraneeysay Cilmiga Daawooyinka ayaa 15 March 2017 Ciidamadda ammanku Xabsiga dhigeen kadib markii la qabtay, iyadoo qorsheyneysa inay Al-Shabaab ku biirto.

Machadka Daraasaadka amniga ee Qaaradda Africa Cilmi baaris uu sameeyay ayaa sheegaysa inay kordheen Haweenka ku biiraya Al-Shabaab waxaana Daraasadaas ka soo muuqday in Haweenka ugu badan ay Kenya u dhasheen,waxaa sido kale ku jira Haween u dhashay Tanzania.

Dhanka kale Machadku wuxuu la hadlay 108 Haween ah oo ku kala Sugnaa Magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Garissa, Diani, Kwale iyo Kisumu iyo Haween kale oo kasoo laabtay Al-Shabaab oo ay muddo ka mid ahaayeen, iyadoo Haweenkaasi Shabaabka u ah Sirdoon. .