Diyaarad sida maxaabiis Soomaali ah oo goor dhow soo gaartay Muqdisho

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde e Magaalada Muqdisho waxaa goor dhow ka soo degtay Diyaarad Sida Maxaabiis Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Hindiya kadib markii laga soo daayay Xabsiyada dalkaas.

Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ayaa waxaa Maxaabiistaas ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu ka mid ahaa Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Abukaate Mahdi Maxamed guuleed, Wasiirka Cadaalada, Xeer Ilaaliyaha Qaranka iyo ehelada Maxaabiistaas.

Tallaabadaan Maanta dalka dib loogu soo celiyay Maxaabiis laga keenay dalka hindiya ayaa qeyb ka ahaa heshiis dhex maray dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Hindiya,iyada oo horay Maxaabiis looga keenay dalkaas.

Waa markii labaad oo Muqdisho la keeno maxaabiis Soomaali ah oo laga keeno dalkaasi Hindiya, kuwaasi oo qaarkood la xukumay, halka kuwo kalena aan la marsiin wax maxkamad ah.