Al-Shabaab oo Dagaal culus ku qaaday Deegaanka Laanta Buuro ee G/Shabeelaha Hoose.

Waxaa maanta uu dagaal ka dhacay degaanka Laanta Buuro ee gobolka Sh/Hoose,kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen Saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Laanta Buuro.

Al-Shabaab ayaa Madaafiic ku garaacday saldhiga AMISOM ee Laanta Buuro, iyadoo labada dhinac ay sababtay inay adeegsadaan Madaafiic , taasoo keentay inay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah soo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dadka shacabka ah ee ka ag dhaw halka lagu dagaalamay ee deegaanka Laanta Buuro.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Maamulka Sh/Hoose iyo Taliska Ciidamada AMISOM, waxaana maalmahaan dambe soo kordhaya weerarada Al-Shabaab ku qaadayso Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.